
Kulan lagu falanqeynayay xaaladaha amni ee magaalooyinka Ceelwaaq Soomaaliya iyo Ceelwaaq Kenya, ayaa ka qabsoomay magaalada Ceelwaaq ee ismaamulka Mandheera ee gobolka Waqooyi Bari Kenya.
Kulanka waxaa ka qeyb galay masuuliyiinta maamullada labada magaalo, laamaha amniga Kenya iyo saraakiil ka tirsan Ciidanka Daraawiishta Dowladda Jubaland.
Mas’uuliyiintii ka qeyb gashay shirka ayaa ka wada hadlay caqabadaha amni ee muddooyinkii u dambeeyay ka jiray xuduudda labada dal, iyagoo isla qaatay in si wadajir ah looga hortago wax kasta oo khatar ku ah amniga iyo wada noolaanshaha bulshada walaalaha ah ee ku dhaqan labada dhinac ee xuduudda.
Sidoo kale, kulanka ayaa lagu adkeeyay muhiimadda iskaashiga dhinacyada amniga, isdhaafsiga xogaha la xiriira amniga, iyo xoojinta wada shaqeynta si loo sugo nabadda iyo xasilloonida deegaanka.
Shirkan ayaa ku soo beegmaya xilli maalmihii la soo dhaafay ay nawaaxiga degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo, gaar ahaan aagga xuduudda Soomaaliya iyo Kenya, ka dhaceen falal amni-darro oo sababay dhimashada ku dhawaad shan ruux iyo dhaawaca tiro kale.

![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)






