Madaxweynaha Dowladda Jubbaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam oo ka tacsiyeeyay geerida Alle ha u naxariistee Imaam Maxamed Yuusuf Cali

0
113
Madaxweynaha Dowladda Jubbaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa ka tacsiyeeyay geerida Alle ha u naxariistee Imaam Maxamed Yuusuf Cali, oo ku geeriyooday dalka Hindiya.
Madaxweynaha ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray guud ahaan ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan qoyskii, ehelkii, Golaha Dhaqanka Soomaaliyeed iyo dhammaan dadkii uu ka baxay marxuumka.
Madaxweynuhu wuxuu sheegay in Imaam Maxamed Yuusuf Cali uu ahaa oday Soomaaliyeed oo door muuqda ka soo qaatay nabadeynta, dowlad-dhiska, dib-u-heshiisiinta iyo horumarinta arrimaha bulshada, isaga oo bulshada uga tegay dhaxal wanaagsan iyo taariikh lagu xusuusan doono.
Ugu dambeyn, Madaxweynaha Dowladda Jubbaland ayaa Alle SWT uga baryay inuu marxuumka ku mannaysto naxariistiisa waasaca ah, qabrigiisana u waasiciyo, dambigiisana dhaafo, Janatul Firdowsana hoy uga dhigo.
Sidoo kale, wuxuu Alle uga baryay qoyskiisa, ehelkiisa, Golaha Dhaqanka Soomaaliyeed iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed inuu ka siiyo samir iyo iimaan.