
Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Dowladda Jubaland ayaa maanta si rasmi ah uga daahfuray magaalada Kismaayo Horyaalka Heerka 1-aad ee Jubaland, kaas oo lagu ciyaarayo Garoonka Waamo.
Munaasabadda furitaanka waxaa kasoo qeyb galay xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada Dowladda Jubaland, Xildhibaanno, Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Jubaland, mas’uuliyiin kale, marti sharaf iyo bahda ciyaaraha.
Guddoomiyaha ayaa khudbad uu ka jeediyay munaasabadda ku bogaadiyay Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha iyo Xiriirka Kubadda Cagta Jubaland dadaalka ay ugu jiraan horumarinta ciyaaraha, isagoo xusay in horyaalkani uu door weyn ka qaadan doono kobcinta tayada ciyaartoyda da’da yar iyo dhiirrigelinta isdhexgalka bulshada.
Sidoo kale, wuxuu u rajeeyay dhammaan kooxaha ka qeybgalaya horyaalka tartan hufan, anshax wanaagsan iyo guulo, isagoo carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay ciyaaruhu u leeyihiin nabadda, mideynta bulshada iyo horumarinta dhalinyarada.
Horyaalka Heerka 1-aad ee Jubaland oo si habsami leh u furmey ayaa la filayaa inuu socdo toddobaadyada soo socda, iyadoo kooxaha ugu wanaagsan ay ku tartami doonaan hanashada koobka horyaalka xilli ciyaareedkan.

![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)







