
Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Dowladda Jubaland ayaa
qabatay shir wadatashi ah oo lagaga hadlayay qabyo-qoraalka xeerka Golaha Xirfadlayaasha Caafimaadka Jubaland.
Shirkan waxaa guddoominayay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Jubaland, Mudane Maxamed Xuseen Maxamed. Waxaana sidoo kale goob-joog ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Cadaaladda, Mudane Cabdullaahi Cabdiqaadir, iyo xubno ka socday Ururka Dhaqaatiirta Jubaland, jaamacadaha bixiya waxbarashada caafimaadka, isbitaalada gaarka loo leeyahay, iyo Ururka Qareenada Jubaland.
Intii uu socday kulanka, waxaa si faahfaahsan loo soo bandhigay qabyo-qoraalka xeerka Golaha Xirfadlayaasha Caafimaadka Jubaland. Qodobada xeerkaasi ayaa si qoto dheer looga dooday, iyadoo lagu ballamay in kulamo kale oo wadatashi ah lagu sii ambaqaadi doono si loo dhammaystiro loona ansixiyo xeerkaasi muhiimka ah.
Wasaaradda Caafimaadka Jubaland ayaa muujisay sida ay uga go’an tahay dhamaystirka xeerarka iyo sharciyada la xiriira caafimaadka, si loo xaqiijiyo tayada iyo anshaxa xirfadlayaasha caafimaadka ee ka howlgala deegaanada Jubaland.















