
Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Jubaland, Mudane Ismaaciil Axmed Garas, ayaa maanta guddoomiyay shirka billaha ah ee shaqaalaha wasaaradda, kaas oo ka qabsoomay xarunta dhexe ee Wasaaradda Caafimaadka Jubaland.
Shirkan waxaa ka soo qaybgalay Ku-simaha Agaasimaha Guud ahna Agaasimaha Waaxda Adeegga Caafimaadka, Ismaaciil Cali Maxamuud, madax-qaybeedyada, saraakiisha wasaaradda iyo isku-duwayaasha caafimaadka gobollada iyo degmooyinka Jubaland, kuwaas oo qaarkood kulanka uga soo qaybgalay habka fogaan-aragga.
Intii uu shirku socday, madaxda waaxyaha iyo isku-duwayaasha caafimaadka gobollada iyo degmooyinka ayaa soo bandhigay warbixinnada hawlihii u qabsoomay bishii lasoo dhaafay. Sidoo kale, waxaa diiradda lagu saaray dardargelinta hawlaha muhiimka ah ee horyaalla wasaaradda iyo sidii xal loogu heli lahaa caqabadaha jira, si loo xoojiyo adeegyada caafimaadka ee bulshada loo fidiyo.
Ugu dambeyn, Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Jubaland, Mudane Ismaaciil Axmed Garas, oo shirka soo xiray, ayaa uga mahadceliyay shaqaalaha wasaaradda dadaalkooda iyo sida ay ugu adeegayaan bulshada. Wuxuu sidoo kale kula dardaarmay in la sii xoojiyo dadaallada lagu horumarinayo adeegyada caafimaadka ee laga hirgelinayo deegaannada Jubaland.




![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)







