Madaxwayne kuxigeenka Jubbaland oo daahfuray shir dib u heshiisin ah.

868

Madaxwayne kuxigeenka 1-aad ee dowlad goboleedka Jubbaland Maxamuud Sayid  Aadan ayaa maanta daah-furay shir looga hadlaayey sidii loo dhamayn lahaa tabashooyinkii ka dhashay doorashadii madaxwaynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam.

Shirkaan ayaa waxaa ka soo qayb galay odayaal iyo waxgarad  iyo haween horay Mucaarad uga   ahaa Jubbaland oo madaxda Jubballand uga aragti duwanaa doorashadii   dib loogu soo doortay madaxwaynaha Jubbaland, kuwasi oo markii hore fadhigoodu ahaa magaalada Muqdisho balse maalmo ka hor imaaday magaalada Kismaayo, markii dowlad goboleedka Jubbaland ku dhawaaqday in la qabanaayo shir dib u heshiisiin oo dib loogu midaynaayo dadwaynaha Jubbaland eek u kala fakarka duwanaa arimaha doorashada.

Madaxwayne ku xigeenka 1-aad ee Jubbaland ayaa sheegay in dadka reer Jubbaland ay yihiin dad waxwada leh markastana ay jirayso kala aragti duwanaansho balse loo bahan yahay in la isugu imaado miiska wada hadalka.

“musharixiintii golaha isbadal doonka iyo ragii aan horay u heshiinay ayey dabasocota dhamaystirka  shirkaan tabashadiisa,waxaan sii gaadhsiin doona deegaan walba”sida waxaa yidhi madaxwaynaha oo la hadlaayey dadkii ka soo qayb galay shirka.

Madaxda ugu saraysa Jubbaland oo uu ugu horeeyo madaxwaynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa horay heshiis ula gaadhay madaxdii golaha isbadal-doonka Jubbaland kuwaas oo ka hor imaaday doorashadii madaxwaynaha Jubbaland.