Ciidamada ammaanka Jubbaland oo gacanta ku dhigay eedeysane loo daysto dil ka dhacay suuqa Kismaayo

0
243
Ciidamada Ammaanka Dowladda Jubbaland ayaa maalmo kadib dabagal iyo baaritaanno socday muddo gacanta ku soo dhigay Nuur Xuseen Maxamed oo ku eedeysan dilkii Marxuum Cabdixakiin Xasan Cali, kaas oo ka dhacay Suuqa magaalada Kismaayo 26-kii May 2026.
Eedeysanaha ayaa la horgeyn doonaa Maxkamadda Ciidamada Jubbaland si loo waafajiyo sharciga.
Ciidamada ammaanka ayaa uga mahadceliyay shacabka Kismaayo kaalintii ay ka geysteen soo qabashada eedeysanaha, iyagoo xusay in wada shaqeynta bulshada iyo laamaha ammaanku ay muhiim u tahay xaqiijinta amniga iyo cadaaladda.