
Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada ee Jubbaland ayaa, iyadoo kaashanaysa bulshada deegaanka Jana Cabdalla, ka fulisay olole dhir-beeris ah Beeraha Handaraf si loo xoojiyo ilaalinta deegaanka iyo dib-u-soo-celinta dhulka.
Dhirta la beeray ayaa looga goleeyahay ka hortagga daadadka, yaraynta nabaad-guurka carrada, iyo dhimista saameynta dabaylaha, iyadoo sidoo kale kor loogu qaadayo bacriminta iyo tayada deegaanka.
Sidoo kale, Wasaaradda iyo bulshada deegaanka ayaa ku heshiiyey in la nasiyo qayb ka mid ah dhul-daaqsimeedka si uu dib ugu soo kabto.
Waxaa goobta lagu daadiyey abuur caws ah si loo helo daaq waara oo loo isticmaali karo xilliyada abaaraha, taas oo taageeraysa xoolo-dhaqatada iyo ilaalinta kheyraadka dabiiciga ah.
Ololahan ayaa muujinaya iskaashiga wanaagsan ee u dhexeeya Wasaaradda iyo bulshada deegaanka ee ku aaddan ilaalinta deegaanka iyo la qabsiga isbeddelka cimilada

![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)







