Maamulka Degmada Kismaayo oo Bilaabay Hirgelinta Calaamadaynta iyo Tilmaamaha Badbaadada Gaadiidka Wadooyinka

0
88

Maamulka Dowladda Hoose ee Degmada Kismaayo oo muddooyinkii u dambeeyay waday qorshe lagu horumarinayo nabadgelyada iyo bilicda waddooyinka magaalada Kismaayo, ayaa bilaabay hirgelinta calaamadaha iyo ishaarooyinka waddooyinka, kuwaas oo xambaarsan fariimo muhiim ah.
Calaamadaynta iyo dib-u-habaynta waddooyinka ayaa laga fuliyey qaar kamid ah waddooyinka dhex mara magaalada, si kor loogu qaado bilicda magaalada iyo badbaadada isticmaaleyaasha waddooyinka.
Mas’uuliyiinta degmada ayaa sheegay in mashruucan uu qeyb ka yahay qorshaha horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha iyo hagaajinta isu-socodka gaadiidka, iyadoo si gaar ah diiradda loo saarayo hagidda darawallada iyo yareynta shilalka gaadiidka.
Calaamadaha cusub ee la dhigayay ayaa ka caawin doona darawallada iyo dadka lugeynaya fahamka jihada saxda ah, xawaaraha ku habboon, iyo meelaha mudnaanta leh.
Maamulka Dowladda Hoose ee Degmada Kismaayo ayaa ugu baaqay darawallada iyo guud ahaan bulshada ku dhaqan magaalada inay la shaqeeyaan hay’adaha fulinaya mashruuca, isla markaana ay muujiyaan dulqaad inta hawluhu socdaan.
Ugu dambeyn, maamulka ayaa ballanqaaday inuu sii wadi doono dadaallada lagu horumarinayo kaabeyaasha magaalada, si Kismaayo u noqoto magaalo leh waddooyin ammaan ah, qurux badan, isla markaana si hufan ugu adeega baahiyaha bulshada.