
Wasaaradda Arrimaha Gudaha Dowladda Jubbaland, gaar ahaan Waaxda Xasillinta, ayaa deegaanka Buulla Xaaji ka hirgelisay mashaariic horumarineed oo muhiim ah.
Mashaariicda la hirgeliyey waxaa ka mid ah layrar ku shaqeeya tamarta cadceedda iyo saldhig booliis oo dhismihiisu weli socdo, kuwaas oo bulshada deegaanka ay baahi weyn u qabeen muddo dheer.
Qaybaha kala duwan ee bulshada ku nool Buulla Xaaji ayaa si weyn u soo dhaweeyey mashaariicdan, iyagoo muujiyey muhiimadda ay u leeyihiin horumarinta adeegyada bulshada, xoojinta amniga iyo bilicda deegaanka.
Bulshada deegaanka ayaa sidoo kale uga mahadcelisay Dowladda Jubbaland dadaallada ay ku hirgelisay mashaariicdan horumarineed ee wax-ku-oolka ah, kuwaas oo wax weyn ka tari doona nolosha shacabka iyo adeegyada ay helaan dadka ku nool Buulla Xaaji.

![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)







