
Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Jubbaland ayaa gaarsiisay beeraleyda ku nool deegaanada Goobweyn iyo Xaaji-weyne taageero isugu jirta abuur noocyo kala duwan leh iyo matoorro waraab ah, kuwaas oo qeyb ka ah Mashruuca CFSP ee ay taageerto Hay’adda GIZ.
Howshan ayaa waxaa hoggaaminayay Madaxa Mashruuca CFSP, Mudane Ahmed Noor Bile, iyadoo taageeradan ay ka faa’iideysteen ku dhawaad 200 oo beeraley ah oo ku nool deegaannadaasi.
Mashruucan ayaa ujeedkiisu yahay xoojinta wax-soo-saarka beeraha, taageeridda beeraleyda, iyo horumarinta hababka casriga ah ee beerashada si loo kordhiyo wax-soo-saarka gudaha, loona dhiirrigeliyo isku filnaanshaha dhinaca cunnada.
Mas’uuliyiinta Wasaaradda ayaa sidoo kale xusay in taageeradan ay qeyb ka tahay dadaallada lagu horumarinayo nolosha beeraleyda, kor loogu qaadayo tayada wax-soo-saarka beeraha, isla markaana lagu xoojinayo adkeysiga bulshada ee dhinaca isbeddelka cimilada iyo caqabadaha saameeya wax-soo-saarka beeraha.
Beeraleyda ka faa’iideystay taageeradan ayaa dhankooda uga mahadceliyay Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Jubbaland iyo Hay’adda GIZ, iyagoo tilmaamay in agabkan uu door weyn ka qaadan doono kororka wax-soo-saarkooda iyo horumarinta beerahooda.

![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)







