
Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Dowladda Jubaland ayaa qabatay kulan lagu ansixinayay Qaab-dhismeedka Kormeerka iyo Qiimeynta Jubaland (Jubaland Monitoring and Evaluation Framework).
Kulankan oo uu furay Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Mudane Cabdiraxmaan Cabdi Axmed, ayaa waxaa ka qayb galay wakiillo ka socday dhammaan hay’adaha Dowladda Jubaland iyo xubno ka socday bulshada rayidka ah.
Ujeeddada kulanka ayaa ahayd dib-u-eegis iyo ansixinta qaab-dhismeedkan muhiimka ah, kaas oo door weyn ka qaadan doona xoojinta nidaamyada kormeerka, qiimeynta, isla xisaabtanka, iyo la socodka hirgelinta qorshayaasha horumarineed ee Jubaland, iyo sidoo kale mashaariicda kala duwan ee laga fuliyo deegaannada Jubaland.

![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)






