Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Deegaanka Jubbaland oo Shir Guddoomiyay Kulan Lagu Dardargelinayo Mashruuca Ugbaad

0
145
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Deegaanka iyo Isbadalka Cimilada Jubbaland ayaa shir guddoomiyay kulan u dhexeeayay Masuuliyiinta Wasaaradda iyo madax ka socotay Hay’adda FAO.
Shirkan oo socday saacado badan ayaa looga arrinsaday Mashruuca Ugbaad oo ay Hay’adda FAO maalgaliso, iyadoo intii uu kulanku socday lagu falanqeeyay mudada uu mashruucu socdo shaqooyiinkii qabsoomay, caqabadihii jiray iyo howlaha hortabinta leh ee u baahan in laga shaqeeyo.
Kulanka ayaa la’iskula qaatay in laga wada shaqeeyo dardargalinta howlaha muhiimka ah, iyadoo lagu ballamay in kulamada lasii wado.