Maxkamadda Ciidamada Jubaland oo Fadhigii Labaad ka Yeelatay Kiiska Cabdirisaaq Cabaas Sheekh Yuusuf oo loo haysto xiriir iyo ka mid ahaanshaha argagixisada Al-Shabaab.

0
243
Maxkamadda Ciidanka Qalabka Sida iyo Dambiyada Culus ee Dowladda Jubaland ayaa  u fadhiisatay garmaqalka labaad ee kiis eedeysane uu ka yahay Cabdirisaaq Cabaas Sheekh Yuusuf, oo lagu soo eedeeyay xiriir iyo ka mid ahaanshaha kooxda Al-Shabaab.
Dhageysiga maxkamadda ayaa waxaa furay Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Jubaland G/Sare Cabdullaahi Maxamuud Ibraahim, ku-xigeennadiisa, Xeer-ilaaliyaha Guud ee Ciidanka Qalabka Sida, qareenka difaacayay eedeysanaha iyo ehelladiisa.
Xeer-ilaaliyaha Guud ee Ciidanka Qalabka Sida G/Dhexe Ismaaciil Cabdi Cali ayaa maxkamadda horkeenay sawirro iyo muuqaallo la xiriira eedaha loo heysto Cabdirisaaq, kuwaas oo la sheegay inuu kaga hadlayay falal argagixiso iyo howlo uu u fulinayay Al-Shabaab.
Dhankiisa, qareenka difaaca Cabdullaahi Cabdiraxmaan Maxamed Kolombos ayaa soo bandhigay dood sharciyeed uu ku difaacayay muwakilkiisa.
Guddoomiyaha Maxkamadda ayaa ugu dambeyn soo xiray garmaqalka labaad, iyadoo lagu balamay in la qabto dhageysiga saddexaad ee kiiska.