
Wasiirka Wasaaradda Haweenka, Arrimaha Qoyska iyo Xuquuqul Insaanka Dowlada Jubbaland, Marwo Cadar Ismaaciil Juraati, ayaa deegaanka Istanbuul ee waqooyiga magaalada Kismaayo ka daah-furtay xarun cusub oo loogu talagalay haweenka ku nool deegaanadaas.
Xaruntan cusub ayaa loogu talagalay in haweenka lagu baro xirfadaha gacanta iyo ganacsiga, si ay u helaan fursado shaqo iyo is-ku-filnaansho dhaqaale.
Xarunta ayaa waxaa dhistay hay’adda CARE, oo ka mid ah hay’adaha ka shaqeeya arrimaha bulshada iyo horumarinta haweenka.

![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)







