Gaadhi manta ku gubtay gudaha magaalada Kismaayo oo khasaare ka dhashay

1100

Gaadhi nooca Soomaalida ay u taqaan Xaajiyad oo baabuurtii hore oo rar ka soo Qaday dekeda magaalada Kismaayo ayaa manta ku dhex gubtay badhtamaha Magaalada Kismaayo,qaasatan afaafka hore xarunta ciidanka Taraafikada.

Gaadhiga ayaa markii hore ku gadoomay goobta uu dabku ku qabsaday balse markii uu dhacay ayaa waxaa ka kacay dab qaybta matoorka, kaasi oo qasaare u gaystay Rarkii saarna oo u badnaa caano boodhe kartooma ah oo laga soo raray gudaha dekeda magaalada Kismaayo.

Dabka ka dhashay gaadhiga ayaa dadwaynaha magaalada Kismaayo ka badbaadiyeen inta badan alaabta uu siday oo u badnaa caanaha bacaha ah ee ku jira karraatoonta,iyadoo oo qayb ka mida ay gubatay alaabta.

Jaylaani Xaaji Maxamed oo ahaa darawalka gaadhiga oo la hadlay Radio Kisamayo ayaa ka warbixiyey sida wax u dheceen.

Ku dhawaad hal saac markii gaadhiga uu gubanaayey oo waliba uu ku dhex olalaayey wadda badhtan keeda ayaa waxaa goobta soo gaadhay gaadhi Dabdamis ah kaasi oo gacan ka gaystay in aan dabka uusan ku fidin hareeraha wadda.

Taliyaha laanta nabad galyada wadooyinka magaalada kismaayo Bashiir Xiis Khaliif oo wareesi gaar ah siiyey radio kismaayo ayaa sheegey in gawaarida ay larogmadaan xamuulka xad dhaafka ah ay ku soo raraan dadka wato gawaarida.