
Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Dowladda Jubaland, Mudane Ahmed H Baraki, oo ay wehliyaan xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada Jubaland, Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Jubaland iyo Maamulka Degmada Dhobley, ayaa xarigga ka jaray ceel-biyood lagu sameeyay dayactir iyo ballaarin kaasi oo laga hirgaliyay deegaanka Deg-Elema, oo hoostaga Degmada Dhobley.
Ceelkan ayaa lagu sameeyay dayactir dhammaystiran, laguna soo kordhiyay Nidaamyo casri ah iyo qalab cusub, Si loo fududeeyo helista Biyo macaan oo nadiif ah, joogtana ah.
Mashruucan ayaa si weyn uga qeyb qaadan doona yareynta biyo-la’aanta iyo abaaraha, isla markaana kor u qaadi doona nolosha iyo adeegyada aasaasiga ah ee bulshada Deg-Elema iyo deegaanada ku xeeran.
Ugu dambeyn, Bulshada deegaanka ayaa uga mahadceliyay Wasaaradda dadaalka joogtada ah ee lagu horumarinayo kaabayaasha biyaha.

![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)







