Mw ku xigeenka Jubbaland oo Ka Tacsiyeeyay Geerida Nabaddoon Abdiraxmaan Maadeey (Qaxooti)

0
181
Madaxweyne ku xigeenka Dowladda Jubaland mudane Maxamuud Sayid Adan ayaa ka tacsiyeeyay geerida naxdinta leh ee ku timid Nabadoon Abdiraxam Madeey (Qaxooti), oo u geeriyooday dhaawac ka soo gaaray qarax gaari loogu xiray, xilli uu ka soo baxay salaaddii Jimcaha ee Masaajidka Khadiim ee degmada Baladxaawo.
Mw ku xigeenka ayaa sheegay in marxuumku uu ahaa haldoor bulshada dhexdeeda ka muuqday, door weynna ka soo qaatay dhismaha dowladnimada, xoojinta nabadda, midnimada iyo wadajirka bulshada.
“Waxaan si tiiraanyo leh uga tacsiyeynayaa geerida Nabadoon Abdiraxam Madeey (Qaxooti). Waxaan Alle uga baryayaa inuu ka waraabiyo Jannatul Firdowsa, dambigiisana dhaafo, qoyskiisa, ehelkiisa iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeedna samir iyo iimaan ka siiyo,” ayuu yiri Mw ku xigeenka.
Ugu dambeyn, wuxuu ku tilmaamay geerida marxuumka mid naxdin leh oo saameyn weyn ku reebtay bulshada, isaga oo cambaareeyay falka foosha xun ee sababay dhimashadiisa.