Gudoomiyaha Degmada Luuq oo kulan la Qaatay Madaxda Hey`adda Trocare

1284

Maamulka degmada luuq ayaa kulan laqaatay manta madax ka socotay hay,ada Trocare iyo hay.ado kale oo iyaguna ah deeq bixiyaal caalami

Kulankan ayaa inta badan  waxaa looga hadlay sidii loo xoojin lahaa adeegyada Hey`adu u qabato shacabka gaar ahaan Caafimaadka oo ah baahiyaha mar walba taagan.

Saxaafadda oo dibad joog ka ahayd kulanka ayaa markii uu soo dhamaadey waxa saxaafadda la hadley Guddoomiyaha degmada Luuq waxa uuna sheegay in ay isla garteeen Samafalayaasha ay kulanka wada qaateen sidii loo laba jibaari lahaa howlaha shaqo ee ay ka wadaan gobolka Gedo.

Ugu dambeyntii guddoomiyaha degmada Luuq ayaa shahaado sharaf guddoonsiiyay Madaxda ka socotay Hey`adda Trocare waxa uuna ku booriyay shaqooyinkii ay ka qabteen gobolka.