Howlgal ay fuliyeen Ciidamada Daraawiishta Dowladda Jubbaland oo lagu dilay maleeshiyaad ka tirsanaa Khawaarijta.

0
176

Ciidamada Daraawiishta Dowladda Jubbaland ee saldhigoodu yahay degmada Bardheere ee gobolka Gedo ayaa howlgal amni oo culus ka fuliyay deegaan ay ku dhuumaaleysanayeen maleeshiyaadka Khawaarijta, kaas oo qiyaastii 40 kiiloomitir u jira degmada Bardheere.

Howlgalkaas ayaa lagu beegsaday fariisimo ay kooxdu ku lahaayeen halkaasi, waxaana ciidamada Jubbaland ay dileen saddex (3) dhagarqabe oo ka tirsanaa maleeshiyaadka Khawaarijta, halka afar (4) kalena lagu dhaawacay, sida uu warbaahinta u sheegay Guddoomiyaha Arrimaha Bulshada ee degmada Bardheere, Xuseen Cabdullaahi Xalane.

Guddoomiyuhu wuxuu xusay in howlgalka uu ku soo dhammaaday guul, isla markaana ujeedkiisu ahaa in la xaqiijiyo amniga deegaanka lana wiiqo awoodda kooxaha argagixisada ah ee dhibaateynaya shacabka.

Howlgalkaan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee Dowladda Jubbaland ay ku doonayso in ay kaga xoreyso bulshada deegaannadeeda dhibaatada iyo caburinta ay ku hayaan maleeshiyaadka Khawaarijta, si loo xaqiijiyo amni, nabad iyo xasillooni waarta.