Dowladda Jubbaland ayaa war-saxaafadeed ka soo saartay ku xad gudubka DFS ee dhinaca heshiisyada caalamiga

0
198

Dowladda Jubbaland ayaa war-saxaafadeed ka soo saartay ku xad gudubka DFS ee dhinaca heshiisyada caalamiga iyo Ganacsiga, ayadoo baal martay qodobo muhiim ah oo Dastuurka KMG ee JFS ku qoran.
Dowladda Jubaland ee xubinta ka ah Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyadoo tixraacaysa Qodobka 87aad ee Dastuurka Dowladda Jubaland, farqadahiisa 4aad, 5aad iyo 6aad, oo awood u siinaya iskaashiga ganacsiga, maalgashiga iyo bixinta ruqsadaha lagu hormarinayo kaabayaasha kala duwan, laguna galayo heshiisyada faa’iidada u leh dadka reer Jubaland oo ay ka mid tahay horumarinta Dekedda Kismaayo iyo kaabayaasha kale

Waxayna waxba kama jiraan ka soo qaadaysaa go’aanka maanta ka soo baxay Dowladda Federaalka, kaas oo ka hor imanaya dhammaan qodobada kor ku xusan iyo Qodobka 53aad ee Dastuurkii heshiiska lagu ahaa farqadahiisa 1aad, 2aad iyo 3aad oo ka hadlaya heshiisyada Caalamiga ah ee saameynta ku yeelanaya Dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka.

Dowladda Federaalka oo ku fashilantay mas’uuliyaddii loo igmaday ee isku haynta dalka iyo dadka Soomaaliyeed, waxay u aragtaa arrimahan oo kale inay kaga dhuumanayso mas’uuliyadihii ay gabtay, oo ay ka mid ahaayeen isku haynta dadka Soomaaliyeed iyo sidii looga bixi lahaa waqtigan adag ee dalku ku jiro hubanti la’aanta doorasho iyo kala irdhowga ku dhacay dadka Soomaaliyeed.

Dhammaan heshiisyada horumarineed iyo kuwa amni, gaar ahaan dhinacyada ganacsiga iyo horumarinta kaabayaasha kala duwan ee Dowladda Jubaland uu xaqa u siinayo Dastuurkeeda iyo kan Dowladda Federaalka, way sii jiri doonaan, Jubaland kaliya ayaa xaq u leh wax ka beddelkooda ama baabi’intooda.