
Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha Dowladda Jubaland, Mudane Axmed Cabdirisaaq Maxamed (HANDAL), iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maalmahan booqasho ku joogay Degmada Dhoobley.
Ujeeddada booqashada ayaa ahayd u kuurgelidda xaaladda dhaqaale ee degmada, iyo xoojinta iyo horumarinta maaliyadeed ee Degmada Dhoobley.
Wasiirka iyo wafdigiisa, iyagoo kaashanaya Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta Jubaland, Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Jubaland, iyo Guddoomiyaha Degmada Dhoobley, ayaa si wadajir ah u dhagax-dhigay Garoonka Diyaaradaha Degmada Dhoobley.
Waxaa la isla gartay in Garoonka Diyaaradaha Degmada Dhoobley lagu dhiso isku-tashi, iyadoo ay ka wada qayb-qaadan doonaan Wasaaradda Maaliyadda iyo dhammaan bulshada reer Jubaland.
Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha Dowladda Jubaland ee Soomaaliya waxa ay sii wadaysaa dadaallada lagu horumarinayo kaabayaasha dhaqaalaha iyo xoojinta adeegyada dowladeed, si loo hubiyo in bulshada Jubaland ay helaan adeegyo tayo leh oo waafaqsan baahiyahooda.

![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)







