Wasiirka Arrimaha Gudaha oo guddoomiyay kulan lagu dardar gelinayo dhameystirka garoonka kubadda cagta ee Raas Kaambooni

0
171
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dib u heshiisiinta Jubbaland Mudane Maxamed Ibraahim Ogle ayaa shir guddoomiyay kulan lagu gorfeeyay dhameystirka garoonka kubadda cagta ee deegaanka Raas Kaambooni.
Garoonkan cusub oo laga dhisayo deegaanka Raas Kaambooni ayaa qeyb ka ah Barnaamijka Xasilinta ee ay fulinayso Wasaaradda Arrimaha Gudaha Dowladda Jubbaland, kaas oo lagu taageerayo horumarinta kaabayaasha bulshada iyo dhiirrigelinta nabadda iyo isdhexgalka bulshada.
Kulanka  oo uu guddoomiyay Wasiirka Arrimaha Gudaha Jubbaland ayaa waxaa ka soo qeyb galay Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Jubbaland, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Madaxa Xasilinta ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Jubbaland iyo masuuliyiin ka socday hay’adda NIS Foundation, oo ah hay’ad ka taageerta Jubbaland mashaariicda horumarineed.
Intii uu socday kulanka, waxaa si qoto dheer looga hadlay caqabadaha haysta dhameystirka garoonka kubadda cagta ee Raas Kaambooni, iyadoo sidoo kale la isla gartay tallaabooyin lagu dardar gelinayo dhamaystirka mashruuca, si garoonku ugu adeego dhalinyarada iyo bulshada deegaanka.
Ugu dambayn, mas’uuliyiintii ka qayb gashay kulanka ayaa isku raacay in la kordhiyo dadaallada lagu dhameystirayo garoonka, loona hubiyo in uu noqdo goob ciyaareed casri ah oo kor u qaada ciyaaraha iyo isdhexgalka bulshada ee Raas Kaambooni.