
Maamulka Degmada Dhoobley ayaa xarigga jaray Warbiyood loogu talagalay in dadka iyo xooluhu ka cabaan xilliyada abaaraha ee ay biyo yaridu jirto.
Wartan oo laga hirgeliyay xaafadda Danwadaag ee Degmada Dhoobley ayaa qayb ka ah dadaallada uu Maamulka Degmada ugu jiro sidii ay bulshada Degmada iyo Deegaannada hoos yimaada u heli lahaayeen biyo ay dadka iyo duunyaduba Cabto xiliyada ay biyo la,aantu jirto.
Guddoomiyaha Degmada Dhoobley, Xasan Cabdi Xaashi, ayaa uga mahadceliyay cid kasta oo ka qeyb qaadatay hirgelinta mashruuca, isagoo bulshada deegaanka ku dhiirrigeliyay in ay ilaashadaan oo ay si habboon uga faa’iidaystaan warbiyoodka.














