
Dhalinyarada magaalada Kismaayo oo qabtay kulan duco iyo quraan akhris ah oo loogu talagalay Allaha u naxariistee Suldaan Cabdiqaadir Xaaji Maxamuud oo ahaa Madaxweyne Ku-xigeenkii Labaad ee Dowlad Jubaland.
Kulanka oo ka dhacay meel fagaare ah ayaa waxaa kasoo qaybgalay dhalinyarada qayb baheeda kala duwan
Iyaga oo Alle uga baryay in uu marxuumka u naxariisto, qabriga u waasiciyo, janatul firdowsana uu ka waraabiyo.
Todabaad-yadii lasoo dhaafay waxaa magaalada Kismaayo ka soconayay kullumo duco oo loogu ducayay madaxweyne ku-xigeenkii labaad ee Jubbaland kaasi oo qayb kasoo qaatay dhismihii Jubbaland iyo dhammaan marxaladihii ay soo martay Jubbaland isaga oo si hagar la’aanna ugu soo shaqeeyay dadka reer Jubbaland .


![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)







