Madaxweyne ku xigeenka 1aad ee Jubaland ayaa maanta lakulmay Odayaasha dhaqanka ee degmada, Ceelwaq ee gobalka Gedo

80
Madaxweyne ku xigeenka 1aad ee Jubaland maxamuud Sayid Aaden oo ku sugan Degmada Ceelwaq ee gobalka Gedo ayaa maanta lakulmay Odayaasha dhaqanka ee degmada,
Madaxweynaha ayaa sidoo kale booqday saldhiga Booliska ee degmada Ceelwaq, isagoo soo kormeeray Isla markaana warbixinna ka dhageysatay Taliyaha saldhiga iyo howla-wadeenadiisa.
Madaxweyne ku xigeenka Dowlad-gobaleedka Jubaland mudane Mohamud Sayid Aaden ayaa Socdaal ku soo dhexmaray qaar ka mid ah xaafadaha degmada, waxaana socdaalka ku wehlinayay Wasiirka Amniga Jubaland S/Gaas: Yusuf Xuseen Dhuumaal, wasiirka Dakadaha iyo gaadiidka bada Jubaland, wasiiru-dowlaha wasaarada Amniga Jubaland, Xildhibaan Farah macalin Bishaar oo ka mid ah Golaha shacabka federalka Somaliya, Taliyaha ciidanka daraawiishta Jubaland ee gobalka Gedo Gen: Cabaas Ibraahim Gurey iyo Maamulka degmada Ceelwaq.
Kormeerka madaxweynaha ayaa kusoo gabogaboobay jawi Nabadoon.
+8