Madaxweyne Ku-xigeenka Jubbaland oo la Kulmay Guddoomiyaha Doolow si Looga Wada Hadlo Amniga iyo Dadaallada Nabadeed ee Gobolka Gedo

0
313
Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Jubbaland, Mudane Maxamuud Sayid Aadan, ayaa maanta kulan la qaatay Guddoomiyaha Degmada Doolow, mudane Maxamed Xuseen Cabdi kaas oo lagu gorfeeyay xaaladda amniga guud ee degmada Doolow iyo deegaannada hoos yimaada.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray adkaynta nabadda, iskaashiga hay’adaha amniga iyo maamulka degmada, si loo xaqiijiyo xasilloonida iyo horumarka guud ee deegaanka.
Sidoo kale, Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa kala hadlay Guddoomiyaha gogosha nabadeed ee uu Madaxweynuhu u fidiyay beelaha walaalaha ah ee ku dagaalamay degmada Luuq ee gobolka Gedo, taas oo la qorsheeyay in la qabto 20-ka bishan.
Mudane Maxamuud Sayid Aadan ayaa hoosta ka xariiqay muhiimadda ay leedahay in la taageero dadaallada nabadaynta iyo wada hadalka, isagoo ku booriyay bulshada iyo odayaasha dhaqanka in ay ka shaqeeyaan xoojinta nabadda iyo midnimada shacabka.
Ugu dambeyn, Madaxweyne Ku-xigeenka Jubbaland ayaa ku amaanay maamulka degmada Doolow sida ay uga go’an tahay sugidda amniga iyo ka qeyb qaadashada gogosha nabadeed ee gobolka Gedo.