
Xuska Maalinta Cunnada Adduunka iyo Xuska Maalinta Beeralayda Soomaaliya oo Kismaayo lagu qabtay
Wasaaradda Beeraha Jubbaland ayaa maanta Aqalka Martida Dowladda Jubbaland ku qabatay xuska Maalinta Caalamiga ah ee Cunnada Adduunka iyo xuska Maalinta Beeralayda Soomaaliyeed oo sanad walba la xuso.
Munaasabadda xuska Maalinta Cunnada Adduunka waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan labada gole ee Dowladda Jubbaland, ururrada bulshada rayidka, iyo qaar ka mid ah beeraleyda gobolka Jubbada Hoose.
Waxaa daahfuray Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Jubbaland, Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan.






![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)






