
Shir muhiim ah oo ay iskugu yimaadeen saraakiisha kala duwan ee ciidamada Dowladda Jubbaland ayaa ka dhacay deegaanka Buula-guduud oo ku yaalla galbeedka magaalada Kismaayohalkaas oo ah Taliska Guutada Labaad ee Ciidanka Daraawiishta Jubbaland
Shirka oo uu guddoomiyay Taliyaha Guud ee Ciidamada Jubbaland, General Ismaaciil Saxardiid ayaa diiradda lagu saaray dardargelinta howlgallada ka dhanka ah Khawaarijta xoojinta amniga guud ee deegaannada Jubbaland, iyo ilaalinta badqabka bulshada rayidka ah.
Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Jubbaland, G/Sare Cabdullaahi Maxamuud Ibraahim oo ka mid ahaa mas’uuliyiintii ka qeyb galay shirka, ayaa jeediyay hadal dhiirrigelin iyo dardaaran ah oo uu u diray saraakiisha iyo ciidamada.
Isagoo la hadlayay ciidamada ayuu yiri:
Waa waajib in la laba jibaaro howlgalka ka dhanka ah Khawaarijta, si shacabka loogu sugo amni iyo deganaansho. Ciidanku waa tiirka dowladnimada, waana in ay muujiyaan feejignaan iyo karti dheeraad ah.
Saraakiisha ka qeyb gashay shirka ayaa soo bandhigay warbixino ku saabsan xaaladda guud ee amniga, guulaha laga gaaray dagaalka Khawaarijta, iyo caqabadaha jira.
Waxaa sidoo kale la isla gartay in la mideeyo qorshayaasha amni ee mustaqbalka dhow, si loo sugo deganaanshaha iyo horumarka deegaannada Jubbaland
.
Taliyaha Guud ee Ciidamada, General Ismaaciil Saxardiid ayaa ku booriyay saraakiisha iyo ciidamada in ay sii laba jibaaraan dadaalka, ayna si dhab ah uga shaqeeyaan sidii shacabka Jubbaland loogu sugi lahaa nabad, xasillooni, iyo kalsooni ay ku noolaan karaan. Wuxuu sidoo kale xusay muhiimadda ay leedahay iskaashiga xooggan ee shacabka iyo ciidamada.


![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)






