
Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka Dowladda Jubbaland oo kaashanaysa Hay’adda Gargaarka iyo Howlaha Bani’aadamnimo ee Boqor Salmaan ayaa deeq raashin ah ugu qeybisay degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo 1000 qoys, kuwaasoo laga soo xulay dadka barakacayaasha ah iyo danyarta bulshada degmada.
Deeqdan raashinka oo qeyb ka ah gargaar bani’aadamnimo oo ay Hay’adda King Salman Humanitarian Aid and Relief dhowaanahan ka waday deegaanada Jubbaland, ayaa degmada Ceelwaaq waxaa gaarsiiyay Hay’adda Wadaniga ah ee Tadaamun iyo Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka Jubbaland.
Munaasabadda bixinta deeqda waxaa goobjoog ka ahaa mas’uuliyiin ay ka mid ahaayeen wasiiro, xildhibaano ka tirsan Dowladda Jubbaland maamulka gobolka Gedo, maamulka degmada Ceelwaaq, iyo saraakiisha laamaha amniga ee degmada.






![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)







