
Madaxweynaha Dowladda Jubaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa si rasmi ah xariga uga jaray labo xarumood oo cusub oo ay dhistay Wasaaradda Maaliyadda Jubaland.
Xaruntan ayaa loogu talagalay in ay fududeyso adeegyada kastamka, islamarkaana dadka ka dhoofaya iyo kuwa ka soo degaya garoonka ay si raaxo leh ugu sugaan safarkooda, Xaruntan oo si casri ah loo dhisay loona qalabeeyay, waxaa hirgelisay dhismeheeda Wasaradda Maaliyadda Jubaland oo kaashanaysa Mashruuca PREMISE, kaas oo si gaar ah u taageera howlaha furdooyinka.
Xaruntan labaad ayaa si gaar ah loogu talagalay, Martigelinta dadka u baahan qaybta nasashada ee garoonka, Qabashada shirar iyo munaasabado muhiim ah, marti galinta gaarka ah, Xaruntan waxaa si wadajir ah u maalgeliyay Wasaaradda Maaliyadda iyo Ganacsatada reer Jubaland oo iska kaashaday.
Xarumahan cusub ayaa qeyb ka ah qorshaha ballaarinta dhismayaasha adeegyada Dowladda, waana qorshe ay Wasaaradda Maaliyaddu wado sidii looga hirgelin lahaa xarumo wax ku ool ah si guud Jubaland.
Madaxweynaha Jubaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa sheegay in xarumahan cusub ay caddeynayaan dadaalka joogtada ah ee dowladdu ku bixineyso, Casriyeynta adeegyada maaliyadeed, Kor u qaadista dakhliga gudaha, Hagaajinta adeegyada muwaadiniinta iyo rakaabka ka dhoofaya garoonka.


![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)







