
laba boqol oo haween ah ayaa loo sameeyay maalgalin ganacsiyo yaryar si loogu taageero shaqo abuur iyo isku filnaansho nolosha qoysaskooda, ayaa lagasoo kala xulay haweenka barakacayaasha, hooyooyin danyarta ah iyo haween la daala dhacaya duruuf nololeed, ayaa ka faa’iideystay barnaamij dhaqaale kobcin ah oo loogu talagalay kor u qaadista ganacsiyada yaryar iyo horumarinta nolosha haweenka.
deegaanada laga hirgeliyey mashruucan ayaa kala ah luglow, halgan, istanbuul iyo xaafadaha magaalada kismaayo.
barnaamijkan ayaa lagu wajahay baahiyaha nololeed ee heysta haweenka barakacayaasha ah iyo kuwa deegaanka, iyada oo lagu garab siinayo xirfado, iyo tababaro ganacsi oo ay noloshooda ku horumarin karaan.
mashruucan waxaa iska kaashaday maamulka degmada kismaayo, wasaaradda haweenka, wasaaradda ganacsiga, hay’ada barakacayaasha jubbaland, waxaana si toos ah u fulinaya hay’adda swcs (somali women’s study center) iyadoo taageero ka helaysa barnaamijka hormarinta qaramada midoobay undp (united nations development programme).
mas’uuliyiinta qabanqaabiyay barnaamijkan ayaa ku tilmaamay mid iftiin iyo rajo cusub u ifinaya boqolaal haween ah oo horey ula daalaa dhacayay fursad la’aan iyo caqabado dhaqaale.









