Wasiirka Caddaaladda Jubbaland oo kulan muhiim ah kula yeeshay bahda caddaaladda degmada Dhobley

0
286

Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Jubbaland, Mudane Abdiwali Hussein Jama, oo safar shaqo ku jooga degmada Dhobley, ayaa kulan xog-isweydaarsi ah la yeeshay bahda caddaaladda, oo ay kamid yihiin garsoorka iyo odayaasha dhaqanka ee la shaqeeya hay’adaha caddaaladda.

Kulanka ayaa lagu falanqeeyay caqabadaha ka jira dhinaca caddaaladda iyo sidii loo horumarin lahaa, iyadoo la kaashanayo maamulka degmada iyo bahda garsoorka.

Ugu dambayntii, kulanka waxa uu kusoo dhamaaday is-afgarad iyo go’aan lagu xoojinayo horumarinta hay’adaha caddaaladda iyo garsoorka ee Jubbaland.