
Xarunta Taliska Guud ee Ciidanka Booliska Jubbaland ayaa martigelisay kulan muhiim ah oo dhexmaray Ku-simaha Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Jubbada Hoose, ahna Taliyaha Hoggaanka Baarista Dembiyada (CID), Kabtan Cumar Xujaale Cabdi, iyo wakiillo ka socday Hawlgalka Kaalmaynta Ku-meelgaarka ah ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNTMIS), gaar ahaan Qaybta Xuquuqda Aadanaha iyo Ilaalinta Haweenka.
Shirka ayaa diiradda lagu saaray ka-hadalka caqabadaha iyo dadaallada socda ee lagu xoojinayo la xisaabtanka falalka xadgudubyada ku saleysan jinsiga (GBV).
Kulankan oo miro-dhal ahaa, ayaa labada dhinac ku weydaarsadeen aragtiyo iyo talooyin ku aaddan xalalka wada-shaqeyneed, iyagoo sidoo kale isku afgartay in la xoojiyo iskaashiga lagu wajahayo rabshadaha ku saleysan jinsiga (GBV) ee ka dhex jira bulshada.


![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)







