
Guddoomiyaha degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo ayaa wareysi uu siiyey Radio Kismaayo ku sheegay in degmada iyo deegaannada ku dhow ay wajahaan xaalad adag oo biyo la’aan iyo abaar ah.
Guddoomiyaha ayaa xusay in roobabkii la filayay aysan ka da’in deegaanka, taasina ay sababtay in ceelashii iyo ilihii biyaha badankood qalalaan, halka dadka iyo xooluhuba ay si weyn ugu baahan yihiin biyo nadiif ah oo lagu noolaado.
Wuxuu carabka ku adkeeyay in bulshada deegaanka ay hadda ku jiraan xaalad adag, iyadoo baahiyaha ugu weyn ee ay qabaan yihiin helitaanka biyo, iyo cunto
Guddoomiyaha degmada Ceelwaaq ayaa ugu baaqay Dowladda Jubbaland iyo hay’adaha samafalka in ay gurmad degdeg ah gaarsiiyaan bulshada deegaanka, si looga hortago saameynta abaarta sii kordheysa.
Ugu dambeyn, wuxuu tilmaamay in haddii aan si dhaqso leh wax looga qaban, ay halis ku jiraan nolosha dadka iyo xoolaha, maadaama deegaanka uu yahay meel ay dad badani ku tiirsan yihiin xoolo dhaqatada ay saameyn xoog leh ku yeelatay abaartu.

![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)







