
Guddoomiyaha Degmada Kismaayo ahna Duqa Magaalada, Mudane Cumar Cabdullaahi Maxamed (Faraweyne), ayaa dhagax-dhigay dhismaha Suuqa Bulagadud.
Dhismaha Suuqa Bulagadud ayaa muhiim u ah bulshada iyo ganacsatada deegaanka, waxaana uu fududeyn doonaa ganacsiga qudaarta, hilibka iyo badeecooyinka kala duwan, isagoo bulshada siinaya goob ganacsi oo habeysan, nadiif ah oo ku habboon iibinta iyo kala iibsiga badeecooyinka.
Suuqan ayaa sidoo kale qeyb ka qaadanaya kor u qaadista dhaq-dhaqaaqa ganacsiga, abuurista fursado dhaqaale iyo horumarinta adeegyada bulshada, taasoo qeyb muhiim ah ka ah qorshaha horumarinta iyo bilicda Deganka Buulagadud.
Waxaana mashruucan hirgelinaya Norwegian Refugee Council (NRC), iyadoo maalgelinta ay bixineyso Foreign, Commonwealth and Development Office (FCDO).

![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)







