Booliiska dowladda Jubbaland iyo Hawlgalka Kaalmaynta Ku-meelgaarka ah ee Qaramada Midoobay oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga la dagaallanka xadgudubyada ku saleysan jinsiga

0
298

Xarunta Taliska Guud ee Ciidanka Booliska Jubbaland ayaa  martigelisay kulan muhiim ah oo dhexmaray Ku-simaha Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Jubbada Hoose, ahna Taliyaha Hoggaanka Baarista Dembiyada (CID), Kabtan Cumar Xujaale Cabdi, iyo wakiillo ka socday Hawlgalka Kaalmaynta Ku-meelgaarka ah ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNTMIS), gaar ahaan Qaybta Xuquuqda Aadanaha iyo Ilaalinta Haweenka.

Shirka ayaa diiradda lagu saaray ka-hadalka caqabadaha iyo dadaallada socda ee lagu xoojinayo la xisaabtanka falalka xadgudubyada ku saleysan jinsiga (GBV).

Kulankan oo miro-dhal ahaa, ayaa labada dhinac ku weydaarsadeen aragtiyo iyo talooyin ku aaddan xalalka wada-shaqeyneed, iyagoo sidoo kale isku afgartay in la xoojiyo iskaashiga lagu wajahayo rabshadaha ku saleysan jinsiga (GBV) ee ka dhex jira bulshada.