
Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa ka furmay tababar muhiim ah oo lagu kordhinayo aqoonta iyo xirfadaha hoggaamineed ee saraakiisha kala duwan ee ciidamada Dowladda Jubbaland, Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed gaar ahaan Qeybta 43-aad, iyo saraakiisha ka tirsan ciidamada nabad-ilaalinta ee AUSOM.
Tababarkan oo soconaya dhowr maalmood ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray sidii loo xoojin lahaa awoodda hoggaamineed ee saraakiisha, kor loogu qaadi lahaa fahamka istaraatiijiyadda dagaalka iyo amniga, iyo sidii ciidamada ay ugu adeegaan bulshada si hufan oo xirfad leh.
Sidoo kale, tababarka ayaa lagu baray maareynta xaaladaha degdegga ah, qorsheynta howlaha milatari, iyo sidii loo kobcin lahaa iskaashiga ka dhexeeya ciidamada dowladda iyo kuwa caalamiga ah ee taageera nabadda Soomaaliya.
Waxaa tababarka bixiyay khubaro Soomaaliyeed iyo kuwo caalami ah oo aqoon iyo khibrad dheer u leh dhanka hoggaaminta, qorsheynta howlgalada, iyo maaraynta ciidamada.
Tababarkan waa mid ka mid ah dadaallada joogtada ah ee lagu dhisayo awood ciidan Soomaaliyeed oo hoggaamineed, iyadoo lagu saleeyay aqoon casri ah, xirfado farsamo, iyo iskaashi heer gobol iyo caalami ah. Waxa uu muhiim u yahay sidii Jubbaland iyo guud ahaan Soomaaliya loogu diyaarin lahaa ciidan hoggaamin wanaagsan oo amniga iyo nabadda ka shaqeeya.


![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)







