Qaar kamid ah Golaha Wasiirada Jubbaland oo booqasho ku tagay ismaamulka Lamu

0
689

Wasiirada Ganacsiga iyo Warshadaha Jubbaland, iyo Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ayaa booqasho rasmi ah ku tagay ismaamulka Lamu County ee dalka Kenya, halkaas oo si diirran loogu soo dhoweeyey.

Guddoomiyaha Lamu County, Mudane Issa Abdalla Timamy, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdiga Jubbaland, iyagoo ka wada hadlay xoojinta xiriirka iskaashi ee labada dhinac, gaar ahaan dhanka horumarinta ganacsiga, warshadaha, dalxiiska, iyo kaluumaysiga.

Labada maamul ayaa isla qiray muhiimadda ay leedahay isdhaafsiga khibradaha iyo kor u qaadidda isdhexgalka dhalinyarada, taas oo horseedi karta koboc dhaqaale iyo bulsho. Waxaa sidoo kale la isla gartay in laga shaqeeyo amniga, waxbarashada, caafimaadka iyo horumarinta fursadaha ganacsi ee ka jira xuduudda ay wadaagaan Jubbaland iyo Lamu.

Inta ay joogaan, wasiirradu waxay booqan doonaan xarumo muhiim ah oo ay ka mid yihiin Dekadda Lamu, goobaha dalxiiska iyo warshadaha wax-soo-saarka, si ay ugu indho-indheeyaan fursadaha iskaashi ee la horumarin karo.

Iskaashigan cusub ayaa lagu wadaa inuu noqdo mid muhiim u ah horumarinta labada dhinac, isagoo dhiirrigelinaya nabad, horumar iyo xiriir waara oo ka dhex dhaca Jubbaland iyo Lamu.

kampung bet