![FB_IMG_1739084476293](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2025/02/FB_IMG_1739084476293-696x464.jpg)
Gudiga Shaqada iyo Shaqaalaha Rayidka Dowladda Jubbaland ayaa Magaalada kismaayo ku qabtay Shir ujeedkiisa uu ahaa ka qeyb qaadashada Daneeyayaasha Dhismaha Xafiiska Gudiga Shaqada iyo Shaqaalaha Rayidka.
Kulanka ayaa waxaa ka soo qeyb galay Gudoomiyaha Gudiga Shaqada iyo Shaqaalaha Rayidka Jubbaland Siyaad Ibraahim Maxamed, Gudoomiye ku xigeenka gudiga Axmed Maxamed Abuukar, Gudoomiye kuxigeenka arimaha Bulshada Degmada kismaayo Najiib Barre Salaad, Madaxa Mashruuca Saab Ee Jubbaland Maxamed Nuur Salaax, Madaxa Mashruuca saab ee Her federaal, qaar ka Mid ah Shaqaalaha Wasaradaha iyo Howlwadeenada Gudiga Shaqada iyo Shaqaalaha Rayidka Jubbaland.
Shirka ayaa intii uu socday waxaa diirada lagu saaray Dhismaha Xarunta gudiga Shaqaalaha rayidka Jubbaland.