Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Jubbaland oo ka jawaabtay baaq oga imaday dadka xoolo dhaqatada,

128
Wasaaradda Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa dowladda Jubbaland oo ka jawaabaysa baaqa dadka xoolo dhaqatada ah ee ku dhaqan deegaanada Jubbaland ee ahaa in xoolahooda loo sameeyo daweyn iyo talaal ayaa bilihii lasoo dhaafay deegaanada waqooyi ee gobolka Jubada hoose waxaa ay Wasaaraddu ka waday mashruuca talaalka xoolaha iyo daweyntooda,
Kadib markii Wasaaradda Xanaanada Xoolaha ay baaritaan iyo dabagal ku samaysay xanuun la sheegay in uu dhibaato ku hayay xoolaha ayaa la bilaabay mashruucan hadda socda oo ay iska kaashanayaan Wasaaradaha Xanaanada Xoolaha heer Dowlad Goboleed iyo heer Federaal,
Dadka xoolo dhaqatada ah ayaa horay Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Jubbaland ula wadaagay macluumaadka la xiriira xanuunada xoolaha ku dhacay waxaana durbadiiba ay Wasaaraddu bilowday in sida ugu dhaqsiyaha badan loo sameeyo talaalka kahor tagga xanuunka iyo in la daweeyo xoolihii uu horay u haleelay xanuunka.