
howlgalkaani qorsheysana yaaka dhacay tuulooyin hoostaga deegaanka Janaale ee gobolka Shabeellaha hoose oo eey fuliyeen Ururada 66-aad iyo 83-aad, guutada 14-ka October ee xoogga dalka ayay ku bur-buriyeen fariisimo gabbaad u ahaa Khawaarijta.
Howlgalka oo si gaar ah looga fuliyay tuulooyinka Sarcad, Buulo-arundi, beeraha baay iyo Siigaale ayay sidoo kale geesiyaasha qaranka ku gubeen Doomo ay Khawaarijta Arxanka daran u isticmaali jireen gudbinta Qaraxyada iyo daabulista Maleeshiyaadkooda ee Wabiga labadiisa dhinac.

![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)







