Ardayda simistarka koowaad ee jaamacada kismaayo oo imtixaan u fariistay

994

Jamacada kismayo ayaa daah furtay imtixaanka kama dambeysta ah ee semesterka 1-aad kaas oo ay ka qeyb galeen ku dhawaad arday ka badan 1000 arday, kuwaas oo bartay culuumta kala duwan ee ay bixiso jaamacada kismayo.

Madaxa imtixaanadka jaamacada kismayo ustaad Abshir Cabdullahi Maxamud ayaa ka warbixiyey qeybaha uu ka kooban yahay imtixaanka ay Jamacada qaadayso.

Ustaad Abshir Abdullahi Maxamuud ayaa sidoo kale ka warbixiyey kuliyadaha kala duwan ee ay Jamacada bixiso isagoona sheegay in ay yihiin 5 kulliya- dood oo jaamacadda kismaayo ay bixiso imtixaankooda uu socod doona ilaa iyo 27 bishaan

Imtixaankaan oo socon doona ilaa iyo 27 bishan janaury ayaa waxaa u fadhiya ardey gaareysa 1027 ardey oo barata kuliyadaha kala duwan ee Jamacadda