Madaxwaynaha Jubbaland oo u hambalyey Guulaystaasha Kismaayo oo ku guulaystay Tartan aqooneedka bisha barakaysan ee Ramadaan

957

Madaxwaynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa hambalyo u diray guulaystayaasha Taranka Aqooneedka Bisha Barakaysan ee Ramadaan,Kaas oo uu qabtay Telefishinka Qaranka.

Madaxwaynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland oo qoraalka hambalyo ah soo dhigay bartiisa facebook ayaa yidhi”Kismaayo caan kuma ah oo kaliya kubada cagta balse waxaa sidoo kale heerar kala duwan ay ka gaadhay aqoonta,iyadoo sanadihii la soo dhaafay guulo la taaban karo ka gaadhay Tartan Aqooneedka Bisha Barakaysan ee Ramadaan.

Madaxwayne Axmed Maxamed Islaam ayaa yidhi waxaan mar kale u mahad cilinayaa Tartamayaasha kale ee ka qeybgalayey iyo waliba Telefishinka Qaranka oo soo qaban qaabiyey tartankan.