
Isku soo bixii ugu ballaarnaa oo ay dadku Alle uga baryayeen in uu ka dulqaado abaarta baaxadda leh ee ku habsatay, isla markaana uu siiyo roob ay dadka iyo duunyaduba ku diirsadaan, ayaa maanta ka dhacay magaalada Kismaayo.
Isku soo baxan waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Jubbaland, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen qaar ka mid ah golaha wasiirrada, ardayda dugsiyada waxbarashada, iyo dadweyne isaga kala yimid qeybaha kala duwan ee xaafadaha magaalada Kismaayo.
Dadkaasi waxay Alle ka baryeen in uu ummaddiisa ka dulqaado dhibaatada abaarta. Marka laga soo tago salaadda roob-doonka, waxaa halkaas ducooyin ka jeediyay culimadii ka qeyb gashay isku soo baxa, kuwaas oo ku dheeraaday muhiimadda ay leedahay in dadku sidan oo kale isugu yimaadaan, isla markaana wadajir Alle uga baryaan inuu siiyo raxmaddiisa.

![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)






