
Ciidamada Daraawiishta Jubbaland ayaa maanta biyo-dhaamin gaarsiiyay shacabka ku nool deegaano iyo barakacayaal degmada Doolow ee Gobalka Gedo.
Ciidanka ayaa gadiid Booyado biyo gaarsiiyay deegaanka si shacabka loogu fududeeyo helitaanka biyo nadiif ah, kuwaas oo muhiim u ah nolol maalmeedka gaar ahaan xiliga bisha Ramadaan.
Taliye kuxigeenka ciidanka Daraawiishta Doolow Yussuf Mohamed Ibraahim iyo Taliyaha Gadiidka Abdiasis Abdullahi Muxumed ayaa sheegay in Gudoomiye Mohamed Hussein Abdi lafeey amar ku bixiyay in gurmad biyo-dhaamin deg deg ah la gaarsiiyo shacabka ku nool tuulooyinka iyo barakacyaasha Hos Miyamada Degmada Dolow
Tallaabadan biyo-dhaaminta ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee ciidanka Daraawiishta ay ku taageerayaan bulshada soomaaliyeed, gaar ahaan xiliyada ay jiran baahiyada bani’aadamnimo.


![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)







