
Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Jubbaland, Mudane Cabdiwali Xuseen Jaamac, ayaa maanta si rasmi ah u furay tababar loo qabtay qaar ka mid ah ciidanka Asluubta Jubbaland, kaas oo diiradda lagu saarayo dhaqancelinta iyo dib-u-soo celinta bulshada ee maxaabiista, iyo kor u qaadista xirfadaha iyo aqoonta ciidanka.
Inta uu tababarku socdo, ka qaybgalayaasha ayaa baran doona casharro ku saabsan anshaxa shaqo, ilaalinta xuquuqda maxaabiista, iyo habka bani’aadantinimo ee maamulka xabsiyada, si ay shaqadooda ugu gutaan si hufan oo waafaqsan sharciga iyo qiyamka bulshada.
Wasiir Cabdiwali ayaa ciidanka kula dardaarmay in ay si buuxda u dabaqaan aqoonta ay helayaan, isla markaana ay si ixtiraam leh oo bini’aadantinimo ku dhisan ula dhaqmaan maxaabiista ay gacanta ku hayaan.
Wasiirka ayaa xusay in tababarradani yihiin kuwo muhiim ah oo gundhig u ah hormarinta xirfadaha iyo tayeynta shaqada ciidanka Asluubta, si xabsiyada Jubbaland ay u noqdaan goobo lagu dhaqanceliyo dadka (rehabilitation) halkii ay ka ahaan lahaayeen meelo ciqaab oo kaliya ah.
Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Jubbaland ayaa sheegtay in ay sii wadi doonto barnaamijyada kor u qaadaya aqoonta iyo xirfadaha shaqaalaha iyo ciidamada xabsiyada, si loo xaqiijiyo cadaalad, bini’aadantinimo, iyo dib-u-heshiisiin waarta.









