Wasaarada cafimaadka Jubbaland oo talaalka Jadeecada ka bilowday magaalada Dhoobley. +Sawirro

1044

Wasaarada caafimadka jubbaland aya ka bilowday magalada dhoobley iyo nawaaxigeeda ololaha talaalka jadeecada kadib markii laga so sheegay kiisas badan o laga shakiyay cudurka  jadeecada kuwaas oo lagu arkay caruur badan o ku nool magalada dhoobley iyo nawaaxigeeda.kadib baaritaan lagu sameeyay kiisaskaas waxa la xaqiijiyay inay tahay jadeeco.

Wasarada cafimadka jubbaland oo kaashaneeso hay’ada MSF aya bilowday ololahan talaalka jadeecada si looga hortago inay dhibaato gaarsiiso caruurta ku nool magalada dhoobley iyo nawaaxigeeda.

Ololahan  aya waxa daahfuray Agaasimaha waaxda adeegyada caafimaadka iyo xaaladaha Deg-degga ah ee wasarada cafimadka jubbaland #DrMohamed BashirNur isago kula  dardaarmay dhaman shaqalaha ka qeyb qaadanaya ololahan inay si wanagsan uga qeybqaataan  ka hortaga iyo yareenta qatarta cudurka jadeecada.

Sido kale Agaasimaha aya sheegay in ololahan uu ka duwan yahay  kuwii horay loo qaban jiray waxa uuna sheegay in uu  socon doona mudo 30 bari ah si loo yareeyo loogana hortago qatarta cudurka jadeecada.

Sido kale wasarada cafimadka jubbaland o kaashaneeso MSF  waxay daawo gaarsiisay xarumaha Caafimaadka  magalada dhoobley iyo isbitaalka guud ee dhoobley si loogu daaweeyo caruurta la xanuunsanaya cudurka jadeecada.

Sido kale Agaasimaha aya sheegay in ololahan uu ka duwan yahay  kuwii horay loo qaban jiray waxa uuna sheegay in uu  socon doona mudo 30 bari ah si loo yareeyo loogana hortago qatarta cudurka jadeecada.