Dibad bax looga dhiidhinayo xayiraada afarta bilood ee duulimaadyada oo ka dhacay Doolow

76
Degmada Doolow ee Gobolka Gedo waxaa ka dhacay Bannaanbax ballaaran oo ay ka qeyb galeen qeybaha kala duwan ee bulshada, oo ay ku jiraan Odayaasha, Haweenka iyo dhalinyarada,
Dibadbaxayaashu waxay si weyn uga dhiidhiyeen xayiraadda muddo afar bilood ah saaran Garoonka Diyaaradaha ee Degmada, iyaga oo dalbanaya in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay si degdeg ah u qaado xayiraadda.
Dadka bannaanbaxa ka qeyb galay waxay sheegeen in xayiraadda garoonku ay saameyn ba’an ku yeelatay isu socodka bulshada ku nool xuduudaha dalalka Soomaaliya, maadaama Garoonka diyaaradaha Doolow uu yahay midka ugu weyn Gobolka Gedo.
Bannaanbaxayaasha ayaa ugu baaqay Dowladda in ay dhageysato codsiyadooda isla markaana ay furto garoonka si loo fududeeyo safarka iyo ganacsiga bulshada Deegaanka.