Wasaaradda Caafimaadka Jubbaland oo Wacyigelin Ka Hortagga Duumada ka Fulisay Deegaanka Wirkooy, oo hoos yimaada degmada Jamaame ee gobolka Jubbada Hoose.

0
449
Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Dowladda Jubbaland ayaa kulan wacyigelin ah oo ku saabsan ka hortagga cudurka Duumada (Malaria) u qabatay qayb ka mid ah bulshada ku nool deegaanka Wirkooy, oo hoos yimaada degmada Jamaame ee gobolka Jubbada Hoose.
Kulankan oo si gaar ah diiradda loogu saarayey wacyigelinta bulshada iyo ilaalinta caafimaadkooda ayaa waxaa goob joog ka ahaa Madaxa Qeybta Xakameynta Cudurka Duumada ee Wasaaradda, Cabdiqadar Maxamed Cali, iyo Isku-duwaha Caafimaadka degmada Jamaame, Jaamac Maxamed Abuukar, iyo sidoo kale saraakiil kale oo ka tirsan Wasaaradda.
Intii uu kulanka socday, bulshada deegaanka ayaa lagu baraarujiyey halista cudurka Duumada, qaabka uu ku faafo, iyo hababka ugu wanaagsan ee looga hortagi karo, sida: Isticmaalka shabaqyada kaneecada lagu seexdo, Nadiifinta iyo biyo-mareennada si looga hortago taranka kaneecada, iyo Ka faa’iidaysiga adeegyada caafimaadka marka astaamaha xanuunka ay soo baxaan.
Mas’uuliyiinta ayaa sidoo kale kormeer ku tegay qaybaha kala duwan ee xarunta caafimaadka ee deegaanka, halkaas oo ay ka socotay bixinta adeegyo caafimaad oo bulshada loogu talagalay. Waxay dhageysteen warbixino ku saabsan howlaha xarunta, iyagoo uga mahadceliyey shaqaalaha caafimaadka dadaalka ay ugu jiraan daryeelka bulshada deegaanka.
Deegaanada ku dhow hareeraha wabiga Jubba ayaa ah meelaha ugu badan ee uu ku soo noqnoqdo cudurka Duumada, taasoo sababtay in Wasaaradda Caafimaadka Jubbaland ay dardar geliso barnaamijyada wacyigelinta iyo tallaabooyinka lagu xakameynayo cudurkan.